Culimadani Laba Dhinac May Eegin Waxna May Dhexdhexaadin, Keliya Waxay U Hadleen Coldoon Oo Sida Ay U Arkaan..”Siyaasi Cali Guray. “
August 31, 2021 - Written by admin
“Coldoon Iyo Cidda Wax Ka Tirsanaysa Ee Dacwaysay Anigu Waxan Ogolahay In Sharciga Hortiisa Ay u Sinaadaan, Dhinac Walbana Uu Cadaalad Helo”
Hargeysa(Berberatoday.com)Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (cali Guray) oo kamid ah Siyaasiyiinta Somaliland ayaa dareen celiyay hadal kazoo yeedhay qaarkamid ah culimada Ansaaru Sunah oo madaxwayne biixi ka codsaday in lasii daayo coldoon oo ku xidhan xabsiga madheera kadib markii uu si qaawan wax uga sheegay dugsiga abaarso iyo jaamacada barwaawo oo iyagu dalbaday in maxkamada loo horkeeno.
