berberatoday.com
Culimadii Somaliland Uyimi Kulan Diimeedka Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ka Codsaday Inuu Siidaayo Cabdimaalik Coldoon
August 31, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Sheekh Genaraal Cabdirisaaq Cabdillaahi Jiir oo ka mid ah culimada waaweyn ee Soomaalida, kana mid ahaa culimadii dhawaan la kulmay Madaxweynaha Somaliland oo khudbad ka jeediyey kulanka culimada ee lagu qabtay magaalada Boorama, ayaa ka codsaday Madaxweyne Muuse Biixi inuu dar Ilaahay u sii daayo Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon oo muddooyinkii u dambeeyey ku xidhnaa Somaliland.
“Waxa la nagu maagay Social Media-yaha oo waxa nala leeyahay maxay uga hadli waayeen ninkii Coldoon ee ka hadlay arrinta kiristaanaynta. Anagu ma lihin xaq ayuu ahaa iyo kaas ayuu ahaa, mana aanan jeclaysan inuu sidaas isku soo qotomiyo, laakiin dadkii waxay meel kasta noo dhigeen oo ay meelahaas ku soo qoreen; ‘culamaa’ul Laxam…culimaa’ul Suldah…culimaa’ul Fuluus…” Waad la kulanteen Madaxweynaha oo boorso ayaa la idiin dhiibay, walaahi xiitaa biyo maanan cabbin oo Ilaahay dartii ayaa la noogu yeedhay, anaguna Ilaahay dartii ayaannu u qaabilnay.
Anaga oo dhibkaasi na gaadhay waxa aan codsanaynaa oo aannu Madaxweynaha ka codsanaynaa in Ilaahay (SWT) dartii diin ayuu qabsadaye Ina Coldoon in la sii daayo, maxaa yeelay diin ayuu naga galay oo wuxuu leeyahay kiristaan ayaan hortaaganahay, waana la xidhay, ummaddiina way daba gashay oo Hargeysa-na meel kasta oo aannu marno waa la nagu maagayey, meel kasta oo Boorama ah oo aanu nimaadnana waa la nagu maagayey, idaacadihiina waa la nagu wada maagayaa.
Markaa anaga oo ku hadlayna magacii culimada oo dhibkaasina na gaadhay, waxa aanu Madaxweynaha ka codsanaynaa in Ina Coldoon iyo wixii kale ee Diinta loo xidhay ee aan waddanka dhib ku ahayn aad noo sii daysid,” ayuu yidhi Sheekh Cabdirisaaq Cabdillaahi Genaraal Jiir.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews