Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobay Oo Kordhiyey Waqtiga Xafiiska UNSOM Ee Soomaaliya
August 31, 2021 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa Salaasadii maanta kordhiyay wakhtiga ay sii joogayaan Xafiiska hawlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), waxaana laga dhigay illaa 31 May 2022.
Bayaan kasooo baxay Golaha maanta, ayaa sidoo kale lagu go’aamiyay in UNSOM ay sii waddo isu-duwidda dedaallada Qaramada Midoobay, iyadoo la kordhinayo hababka iyo barnaamijyada wada-jirka ah, iyadoo lala kaashanayo Dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.