berberatoday.com
Khalifa Hamad:“Kooxda Ugu Taajirsan Adduunyada, Culayska Saxaafadda Waxba Lagagama Qaado…”
August 31, 2021 - Written by admin

Qoyska boqortooyada waddanka Qatar ayaa ka hadlay xaaladda weeraryahanka reer France ee Kylian Mbappe, iyagoo farriinna u diray Real Madrid oo si weyn u doonaysay laacibkan, isla markaana ku guul-darraysatay kaddib markii ay PSG iska diidday dalab 200 milyan oo Euro ahaa.

Khalifa Bin Hamad Al Thani oo ay ilmo-adeer yihiin Amiirka waddanka Qatar ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu digniin ugu diray Real Madrid iyo warbaahinta Spain oo uu u sheegay in kooxdoodu ay tahay naadiga ugu qanisan adduunyada, isla markaana aanay culayska saxaafadeed iyo wax kasta oo ay la yimaaddaan aanay waxba kaga qaadi doonin.

Qoraal uu Khalifa Bin Hamad Al Thani ku baahiyey bartiisa ayuu ku yidhi: “Cadaadiska warbaahinta… kama shaqeeyo kooxda ugu taajirsan adduunyada…”

Khalifa Bin Hamad Al Thani waxa qoraalkiisa uu soo raaciyey sawirka wargeyska Marca ee kasoo baxa caasimadda iyo Spain iyo kooxda Real Madrid oo uu is-dhexgeliyey, gaar ahaan qoraal uu Marca ku sheegay in Madrid ay sugayso Mbappe oo soo jiitay dad badan.

Farriintan ka timid qoyska boqortooyada Qatar ayaa lagu tilmaamay mid caddaan ah oo ay mar kale ku muujinayaan go’aankii Nasser Al Khelaifi uu hore u shaaciyey ee aan in aanay marnaba  iibin doonin Kylian Mbappe.

Khalifa Bin Hamad Al Thani ayaa xagaagan xubin firfircoon ka ahaa baraha bulshada isaga oo ka baxay xayndaabka qarsoodiga xubnaha qoyska ee dhawrsoonaanta lagu yaqaano.

Waxa uu hore uga hadlay heshiiskii Lionel Messi oo isagoon tegin uu qish kasii bixiyey, midkii Sergio Ramos iyo hadda oo uu Kylian Mbappe ka hadlay.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews