berberatoday.com
Qormo ku Saabsan Mid kamid ah Nicmooyiinka Alle Insaanka ugu galaday taasoo ah Kaadi_heysta
August 31, 2021 - Written by admin

Inta aan u guda galin Qormada ama Mawduuca Bal Suureyso…

-Haddii ay Hal-daqiiqo ama ka yar Kaadida kugu xiranto Sidee baad noqon laheyd???!!!

-Waxaan filayaa in aad ugu jawaabto adiga oo dareenkaaga iska Caadi yahay

-Xanuun iyo dhibaato ayaan dareemi lahaa!!!

Hagaag! bal Dareenkaaga xaadiri Caqligana ka shaqeysii Suureysana Adiga oo Cusbitaal booqday oo dhex jooga eegayana bukaanada kuwaasoo la daala dhacaya Xanuunadda nuucyadooda kala duwan gaar ahaan #kaadi_xidhanka!!!

Kadibna ka jawaab Su’aasheyda ah:–

-Sidee baad noqon laheyd haddii ay kaadida kugu xidhmi laheyd Hal-Daqiiqo ama ka yar???!!!!

Intaasi waa hordhaca Qormadeenna ama Mawduuceena ee aan guda galno Mawduuceena:–

#Kaadi_heysta:–

Kaadi_heysta waa nicmo kamid ah nicmooyiinka Insaanka Alle ugu deeqay.

2da kili waxa ay soo daayaan Dhibic kaadi ah 20kii ilbiriqsi ba, Dhbicyadaas ayaa ku kulmaya #kaadi_heysta illaa ay ka buuxsanto, kadib qofka waxa uu Aadayaa Xaajo gudasho ama in uu soo kaadiyo, Alla maxay tahay nicmo weyn oo aan dareemeynin oo Caadi nala ah!!!!

Haddii aysan ahaan laheyn #kaadi_heysta ma awoodeen Insaanka in uu ku Sugnaado Hal meel Dhowr Saacadood oo is xig-xiga, waxa uu u baahan lahaa in uu ku laab-baabto Suuliga 20kii ilbiriqsi ba.

Waa kan qof uu ku dhacay Kansarka #kaadi_heysta lagana saaray #kaadi_heystii looguna bedelay #kaadi_heys Cinjir oo Gacan ku Sameys ah oo uu Dhaqtarkii ku dhahayo:–

“Haddii aad lahaan laheyd #kaadi_heystii #Dabiiciga Ee uu Alle kugu Abuuray waad dareemi laheyd Xilliga ay Buuxsanto kadibna #Suuligaaga ayaad iska geli laheyd Xaajadaana waad soo gudan laheyd, laakiin hadda ma dareemeysid #kaadi_heystaan Gacan ku Sameyska ah in ay buuxsantay Waxaa kugu Waajiba in aad soo Xaaja gudato ama Aad soo kaadiso Saacad walba Habeen iyo Maalinba Haddii kale Waxaa kugu qarxi doona #kaad_heystaan Gacan ku Sameyska ah waxaadna ku dhowdahay in aad u dhimato…

Aan is weydiino Su’aale:–

-Ma Dareennay Nicmadaas uu Alle inoo galay oo maku Shukrinay, Shukrin Mida ugu Habboon Mise Afka un baan ka Dhahnaa #Alxamdu_lillaah Alle ayaa Mahad leh waana kasii Soconaa????!!!!

-Miyaanan Arag Alle in uu inoogu yeelay #Kaadi_heysteena Mid Keydisa soona Cadaadisa kaadida, inoo Sahashana in aan Si Raaxo leh u kaadino/ u gudano Xaajadeena Ilbiriqsiyo..

Haddii aysan ahaan laheyn #Kaadi_heysta iyo Murqaha Caawiya Waxaan u Baahan laheyn 20 Ilbiriqsi walba in aan Soo Faarujinno oo Soo Xaajo gudano.

Alle ayaa ku Mahadsan Nicmooyiinka Aan la soo koobi Karin…..

#Dardaaran:—

Aan ogaano in aanu nahay Aayad Kamid ah Aayaadka Alle Kuwaasoo Cadeynayo Alle Swc in uu yahay mid Awood leh Falayana waxa uu doono Mudanna in loo hogaansamo lagana Danbeeyo keligii.

Alle Swc Waxa uu yiri:–

…((وَفِىٓ أَنفُسِكُـم أَفَلَا تُبصِرُونَ*وَفِى ٱلسَّمَآءِرِزْقُكُـم وَمَاتُوعَدُونَ*فَوَرَبِّ ٱلسَّمَآءِوَٱلأَرْضِ إِنَّهُ لَحَقٌّ مِّثْلَ مَآأَنَّـكُم تَنطِقُونَ))…

سـورةالذاريات

الآيات ٢١–٢٢–٢٣.

–Nafafyaalkiiina dhexdoodana Aayaad baa idin kugu Sugan miyaadan Arkeyn??!!

–Samada Dhexdeedana Arzaaqdiina ayaa ku Sugan iyo waxa La idinku Hanjabayey ama la idin Yaboohayey…

–Samada Rabbigeedaan ku Dhaartay iyo Dhulkee Isagu waa xaq Ah , dhab ah oo Sugan oo jira hadalka aad hadleysaan Xaal uu lamid yahay..

Suurah Addaariyaat Aayadaha 21–22–23.

 

W/Q Mohammed Ibraahim Mohammed Haafid

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews