Wafti Ka Socda Dalka Itoobiya Oo Lagu Soo Dhaweeyay Madaarka Caasimada Hargaysa.
September 3, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wefti uu hoggaaminayo Wasiirru dawlaha Arrimaha siyaasadda ee Wasaaradda Arrimha dibadda Itoobiya Mr Ridwaan Xuseen ayaa soo gaadhay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Waxa weftiga madaarka ku soo dhaweeyay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Somaliland Mudane Liibaan Yuusuf Cismaan ahna ku simaha wasiirka arrimaha dibadda.