Baashe Cawil Oo Iska Casilay Xilkii Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Arimaha Dibada Ee Madaxwayne Muuse Biixi Umagacaabay
September 4, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wakiilkii Hore Ee Somaliland Ee Dalalka Kenya Iyo Imaaratka Carabta Baashe Cawil Cumar Oo Iska Diiday Xilka Wasiir Kuxigeenka Ee Arimaha Debeda Oo Madaxweyne Muuse Biixi Umagacaabay Waxaanu Baashe Sidaas Ku Sheegay Qoraal Uu Soo Dhigay Bartiisa Facebook.
Qoraalka Ayaa udhignaa Sidan.
WAR-SAXAAFADEED: 02/09/2021 ISCASILAAD
Mudane Madaxweyne anoo xiganaya Wareegtadaada summadeedu tahay
JSL/XM/XKQ/222/1-708/092021 kuna taariikhaysan 02/09/2021, waxaan halkan kuugu soo gudbinayaa qoraalkan aan iskaga casilayo xilka aad iigu magacawday Wasiir-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Sidoo kale waxaan iska casilay xilkii Wakiilnimada Xafiiska Somaliland Ee Dalka Kenya, kaas oo bishii August 13 2018 aad ii magacowday.
Waa sunnaha siyaasida in shaqada qaranku tahay qori isku dhiib, sidaad darteed sharaf weyn ayay ii ahayd xilka aan qarankankayga u hayay uguna addeegayay lixdii sanadood ee aan ahaa Wakiilka Somaliland u matalaya UAE iyo Kenya.
Ugu dambayntii waxaan rajaynayaa in aad iga aqbasho codsiga aan halkan kuugu soo gudbiyay.
ALLAA MAHAD LEH.
Baashe Cawil Xaaji Cumar.