berberatoday.com
Madaxweyne Biixi Oo Wadda Qorshe Dib Loogu Istaadhayo Jeegaanta
September 5, 2021 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ayaa la sheegay inuu muddooyinkii ugu dambeeyey uu shirar doceed-yo la lahaa Madax-dhaqameedka iyo haldoorka Beesha,kuwaas oo u sheegay in loo baahan yahay in dib la isugu soo ururriyo taageerayaasha Xisbiga,isla markaana dib loo hawlgeliyo guddiyaddii.

Siyaasi Maxamed Qarbooshe ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi uu kullan la yeeshay Madax-dhaqameedka iyo Siyaasiyiinta Beesha Ciise Muuse,kaas oo uu sheegay in Madaxweyne Biixi uu kala hadlay arrimahan“Kullankaas waxa la kulmay Madaxweynaha dhawr iyo toban illaa labaatan nin,kullan-kaas oo iskugu jira dhawr nooc qollada siyaasiyiinta ahi waxay ahayeen qaar rajanayey inay sannadkaa Madaxweynaha u hadhay ay kuraasi ka hellaan, Madax-dhaqameedkana waxa hoggaaminayey qoladda siyaasiyiinta ah oo iyagana Madaxweynuhu u yeedhay oo uu yidhi waxaan doonnayaa in dadkii la isku soo ururriyo oo degmaddii iyo Gobolkii iyo guddiyaddii reerka iyo wax la isku soo ururriyo “ ayuu yidhi Maxamed Qarbooshe

Siyaasi Qarbooshe ayaa intaas ku daray“Dadka afar sanno ka hor la kale eryey hadda wax laga soo ururriyaaa ma jiraan,dalkuna waa xisbiyo ee beelihii iyo wixii waa laga baxay,Madaxweynuhu inuu u yeedho mahaa oo uu yidhaah iisoo gurmadda oo kursiga mar labaad ha la is saaro.”ayuu yidhi

Dhanka kalene Abwaan Cismaan kujare ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi shirar doceedyo uu la yeeshay Beeshiisa uu kadib madax-dhaqameedka Beeshiisa ergo ugu soo diray Beesha Habar-jeclo,kuwaas oo ku soo jihaysan “Guul-darradii iyo jabkii ka soo gaadhay Madaxweyne Biixi doorashooyinkii kadib waxa igu maqaallo ah in Madaxweyne Biixi uu u yeedhay odayaal Beeshooda ah oo uu ku yidhi raadiya dadkii macaamiisha u ahaa iyo taageerayaashii Xisbiga KULMIYE,gaar ahaan Beeshii aynu Jeegaanta isku ahayn ee aan shirkadda hoodii xidhay ,shaqaallahoodiina eryay, hudheeladoodiina  xidhay .”Ayuu yidhi

Cismaan kujare ayaa intaas ku sii daray “Guddoomiyihii Xisbiga KULMIYE ballantii aan la galayna aan kaga baxay orda oo raadiya oo la furra wadda haddal si aynu rajadii Xisbiga KULMIYE dib ugu soo celino,mar labaadna aynu kursiga ugu soo noqono,”

Gunaanadkii Abwaan Cismaan ayaa Madaxweyne Biixi ugu baaqay in aanu soo lugoyn odayaasha,isla markaana ay arrintaas dhaaftay halkii wax laga qaban lahaa“waxaan ku odhan lahaa Madaxweyne odayaasha ha soo lugayn arrintu halkii wax laga qaban lahaa wey dhaaftay.”  Xigasho Waaberi

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews