Masuuliyiin Badan Oo Ka Cabsi Qaba Isku Shaandhayn Cusub Oo Kuraastooda Galaafata Iyo Kooxo CV-yadooda La Gaaf-wareegaya Goobaha Madaxtooyada Laga Taageero!
September 7, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Kadib markii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Khamiistii aan ka soo gudubnay si rasmi ah xukuumaddiisa ugu sameeyey is baddal weyn, waxa dad badan oo siyaasadda xukuumadda la socdaa hadal hayaan, go’aan Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi mar kale ka qaato xukuumaddiisa oo uu ku sameeyo isku shaandhayn iyo dib u habayn ballaadhan oo la xidhiidha gaar ahaan manaasibta wasiir xigeennada, Agaasimayaasha guud, Guddoomiyayaasha iyo maareeyayaasha hay’adaha dawladda.
