berberatoday.com
Kooxaha Kubada Cagta Ee Man.City, Liverpool, Chelsea Iyo Man.United Oo Ganaax La Dul-dhigay Iyo Sababta
September 10, 2021 - Written by admin

Kooxaha kubadda cagta Liverpool, Manchester City, Manchester United iyo Chelsea ayaa lagu riday ciqaab adag oo kaga timid xidhiidhka kubadda cagta ee FIFA, waxaana laga joojiyey in kulamada usbuucan ee horyaalka Premier League ay u ciyaaraan toban laacib oo laga hor joogsaday inay tagaan kulamada caalamiga ah.

Premier League ayaa go’aan uu soo saaray waxa uu ku joojiyey ciyaaryahannada Latin America inay u safraan waddamadooda oo ay u ciyaaraan kulamada isreeb-reebka koobka Adduunka iyagoo tixraacaya go’aanka dawladda UK ay khadka cas ku gelisay waddamadaas.

Laakiin xidhiidhka kubadda cagta Brazil oo hoggaaminaya dhiggooda dalalka kale ee Koonfurta Amerika ayaa waxay dacwad u gudbiyeen FIFA maadaama loo diiday inay helaan ciyaartoydeedii muhiimka ahaa ee ku jiray xulalkooda.

Jawaabta ay FIFA bixisay ayaa la sheegay inay ku ganaaxday ciyaartoyda looga yeedhay dalalkooda ee tegi waayey, kuwaas oo aan u ciyaari doonin kooxahooda kulamada horyaalka Premier League ee toddobaadkan.

Liverpool ayaa waxa ay waayi doontaa saddexda ciyaartoy ee reer Brazil ee Alisson Becker, Fabinho iyo Roberto Firmino, halka Leeds  United aanay heli doonin Raphinha oo u dhashay Brazil.

Labadan kooxood ee  Liverpool iyo Leeds oo Axadda wada ciyaari doona ayaa waxa ka maqnaan doona afartan ciyaartoy.

Manchester United ayaa iyaduna kulanka Newcastle United ee Sabtida waxa ganaax kaga maqnaan doona Fred, sidookalena waxa  uu seegi doonaa ciyaarta Champions Leauge ee Young Boys ee Salaasada.

Manchester City ayaa iyadana laga ganaaxay Ederson iyo Gabriel Jesus oo ka maqnaanaya ciyaarta Sabtida ee Leicester City ee horyaalka Premier League halka Chelsea aanay heli doonin Thiago Silva kulamada Aston Villa iyo Zenit St Petersburg.

Richarlisson oo ka mid ah ciyaartoyda ugu muhiimsan xulka Brazil ayaa loo ogolaaday inuu u ciyaaro Everton kaddib markii ay kooxdiisu waqti horeba heshiis lasii gaadhay xulka Brazil oo ay isla qaateen in aan lagu darin liiska dalkaas ee kulamadii usbuucan iyo midkii hore maadaama uu laacibkani qayb ka ahaa Copa America iyo ciyaarihii Olombikada ee ay ku guuleysteen oo aanu waqti fasax ah helin xagaagii.

Mexico, Chile iyo Paraguay oo iyaguna ku jira dalalka khadka cas ayaa waxa uu go’aankani ka sameeyey Raul Jimenez iyo Miguel Almiron oo u ciyaara Wolves iyo Newcastle.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews