berberatoday.com
Xukuumadda Oo Xilligan Aaminsan In Madaxweyne Muuse Biixi Uu Mar Labaad Doorashada Madaxtooyada Kaga Guulaysan Karo Cirro & Faysal Iyo Waxa Lagu Saleeyay
September 10, 2021 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka howlaha guud ee Somaliland Cabdillaahi Abokor Cismaan, horena u ahaa Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland, ka hadlay eedaymo uga yimid Xukuumadda uu ka tirsan yahay Xisbiga WADDANI.

Wasiir Cabdillaahi Abokor, ayaa Xoghayaha Arrimaha gudaha xisbiga Waddani ku eedeeyay in uu u dhaqmayo sidii madax dhaqmeedka, kadib markii xoghayuhu uu isku shaandhayntii Madaxweynaha ku tilmamay in ay Somaliland ka dhigtay qoys.

Wasiirka oo u warramay Telefiishanka Saab, ayaa sheegay in hadalkaasi aanu ahayn hadal xisbi ee u ahaa hadal ka madax-dhaqameedka oo kale, wuxuuna u soo jeediyay xoghayaha inuu ku biiro madax-dhaqameedka ama uu sidii madaxda xisbiyada Qaranka u hadlo.

“Nin iska hadlaya ayaan u arkayey, markaa xisbigu waa in uu noqdaa xisbi Qaran ama xisbi qabyaaladeed, wuxuu ku hadlayay af-qabyaaladeed ayay adhayd, ninkuna ama waa in uu xisbi noqdo ama qabiil, marka Raggaa afka qabyaalada ku hadlayay waxaan kula talin lahaa intay xisbiyada iskaga baxaan, si ay u noqdaan cuqaal” ayuu yidhi wasiirku.

Wasiirka ayaa intaa raaciyay, in anay macno badan samaynayn deegaanka uu wasiirku ka soo jeedo, taa badalkeena wasiir kasta oo wasaarad maamula meesha uu doono haka soo jeedee uu dadka oo dhan wada matalo, oo aanu deegaan qudha u shaqaynayn “Wasiirka la magacaabaa deegaan noqon maayo, wasiirka caafimaadku wuxuu ka shaqaynayaa lixda gobol ee waa wayn caafimaadkooda, wasiirka biyuhu qoys qudha uma shaqaynayo, marka wasiirku dhinac kastaba ha ahaadee wuxuu u shaqaynayaa waa qaranka” ayuu yidhi wasiirku, waxaanu intaa ku daray oo uu  ka jawaabay su’aal la xidhiidha inay suurto-gal tahay in Madaxweyne Muuse Biixi uu mar kale Talada dalka ku guulaysto “Wallaahi, anigu ma aaminsani inay jiraan wax ka hor-taagani, Madaxweynuhu laba xilli ayuu leeyahay oo Madaxweynuhu laba xilli ayuu tartamayaa, siyaasadda Xukuumadduna had iyo jeer waxay ku salaysan tahay inaanu laba jeer Tartanno, labada Jeer ee aanu tartamaynaana kuma salayna Rayul-caamka guud ee Doorashadii Nidaamka Qabaa’ilka lagu galay, laakiin doorashada Madaxtooyada waxay ku salaysnaanaysaa marka Saddex Xisbi ay yimaaddaan, anigu waxaan is leeyahay Muuse wuu ka guulaysan karaa Faysal, Cirro-na wuu ka guulaysan karaa, labadooba wuu ka guulaysan karaa..”

Wasiirka cusub ee Hawlaha Guud oo la waydiiyey sida uu u arko eedaymaha ah in Madaxweyne Biixi uu xilalka u badiyey dhanka Beeshiisa, ayaa ku jawaabay ”Haddi afar qof oo isku qoys ah Xil loo dhiibo Somaliland haku qanacdo..” ayuu ydhi

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews