Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Oo Ka Qeyb-galay Xaflada Qalin-jebinta Dufcadii 20Aad Ee Jaamacada Camuud Oo Ay Ka Baxeen 995 Arday.
September 12, 2021 - Written by admin
Boorama(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi iyo Wafti Balaadhan oo uu Hoggaaminayo ayaa maanta ka qeyb galay Xaflada Qalin-Jebinta dufcadii 20aad oo ay ka qalin jabiyeen in arday gaadhaysa 995-arday kuwaasi oo dhamaystay qeybaha kala duwan ee waxbarashada Jamaacada Camuud.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa ugu horaynba Hambalyo iyo boggaadin u diray aradayda qalin-jebisay, waxaana uu sidoo kale u mahad celiyey mamaulka iyo macalimiinta Jaamacada oo uu ku ammaanay doorkooda xilkasnimada leh ay u guteen waajibaadkii kobcinta aqoonta, Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale u u mahad celiyey waalidiinta kaalinta tacabka balaadhan ee Ubadkooda ay mudada dheer soo wadateen.
Ugu horaynba Madaxweynaha ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay munasibadan wuxuuna yidhi “Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay maanta ka qeyb-galka xafladda intan oo aqoonyahan ah oo maanta kusoo biiraysa Aqoonyahankii hore ee Somaliland oo wali baahida Somaliland ay u qabto aqoonyanka aad iyo aad u badan yahay, farxad ka dib waxaan hambalyeynayaa ardayda qalin jabinaysa, waxaan hambalyeynayaa waalidka kusoo tabcay ee halkaa soo gaadhsiisay, waxaan boggaadinayaa bahda waxbarashada oo halkan ku dhan Wasiirkii, Gudoomiyihii Tacliinta sare iyo Jaamacada Camuud”.
Madaxweynaha ayaa xusay inuu ku dadaalay in xukuumadiisu noqoto mid culan sidoo kalena waxa uu ku boggaadiyey bulshada iyo aqoonyahanka in qaranka la wada ilashado “Mudnaanta qarankana kolba mid baa hadhaysa oo midbaa lasoo qaadanayaa markaa uu Madaxweyne Siilaanyo bilaabayey nabadii baa sii adkaatay, aqoontii baa korodhay muruqyo ayey yeelatay Somaliland ay cadowgeeda iskaga ilaaliso gudo iyo dibadba, dabadeena waxaa la bilaabay horumarintii, anna waan ugu nasiib badnaa oo intaas oo dhan baan soo gaadhay halkii baan ka qabtay waxaan ku daray in la helo dawladd wanaag oo dawladda la culo haddii kale waa jabaysaa, haddaad dawladdii dhisto oo aanad duunyadii hagaajin waa mid hawl badan, qarankiina wax ka dhexeeya waa inaad ugu ilaalisaa sida ugu dhow dhow cadaaladd ilaahay uun baa gaadha laakiin inaad ku dadaasho oo dadka la baro inay qarankan wada leeyihiin oo ay wada baartaan, halkaas baynu maanta maraynaa Ilaahayna waa ina waafajiyey in badan inaynu qaadno, inta dhimana waxaan idiin sheegayaa dadkay sugaysaa waa idinka”.