Sool”Xildhibaan Ka Mid Ahaa Golaha Deegaanka Laascaanood Oo Xalay La Dilay
September 12, 2021 - Written by admin
Dawladdu Maxay Tallaabo Adag uga qaadi la’dahay Falalkan Laascaanood Ku soo Badanaya ?

Laascaanood(Berberatoday.com)-Alle ha u naxariistee waxa Magaalada Laascaanood lagu dilay Cabdirisaaq Cardoofe oo ka mid ahaa Xildhibaannada Golaha deegaanka ee dhawaan loo doortay Degmada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ee Somaliland.
Xildhibaan Cabdirisaaq Axmed Cilmi (Cabdirisaaq Cardoofe), ayaa Dablay hubaysan waxay ku toogteen Afaafka Gurigiisa oo ku yaalla Magaalada Laascaanood.