Sheekh Aadan-Siira Oo Ka Hadlay Shaqsiyaddii Marxuum Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax Oo 40 Sanno Ay Saaxiib Ahaayeen!
September 15, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xirsi (Sheekh Aadan-Siira) oo ka mid ah Culimada waaweyn ee Somaliland waxa uu Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa, bahda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo ku geeriyooday dalka Turkiga oo uu muddo xaalad Caafimaad awgeed halkaasi u joogay.