berberatoday.com
Tiktok : Hoyga Burburka Dhaqanka Soomaalida – Qalinka: Maxamed M. Yusuf (Ilkacase)
September 20, 2021 - Written by admin

Barta Xidhiidhka Bulshada ee “TikTok” waxa ay ka mid tahay baraha Bulshada ee sida weyn ugu fiday bulshooyinka adduunak oo dhan, gaar ahaanna ay dhallinyarada iyo da’da dhexe ee Soomaalidu aadka ugu waasheen muddooyinkii dambe. Waa bar-bulsheed oo xawaare ku socota marka la eego sida ay maalin walba kumannaan kun oo qof ugu soo biirayaan uguna adeegsanayaan illaa uu noqday kan xawaaraha ugu sarreeya ku socda marka la barbar dhigo isticmaalka baraha Bulshada ee kale.

Inkasta oo aanay jirin daraasad rasmi ah oo ballaadhan oo lagu sameeyey dhibka dhaqan ee uu ku hayo Bulshada Soomaaliyeed haddana waxa la isku waafaqsan yahay in uu Tiktok noqday kan ugu liita uguna xun ee saamaynta taban ku yeeshay anshaxa dhaqanka, dadnimada, xaaladda nafsiyeed ee qofka iyo guud ahaan burburka damiirka qofka kaasoo ka gudbaya qof una gudbaya Bulsho illaa qaran.

Mawduucan waxa aan ku faahfaahin doonaa 11 arrimood oo Application-ka Tiktok ku burburinayo hab nololeedka qofka Soomaaliga ah, dhaqankiisana ku doorinayo illaa uu da’dii dhexe ee xoogga umadda ahayd u baddalayo qalfoof aan dadnimo iyo damiir nool toona lahayn oo aan kala garan Karin, muhiimadda wakhtigiisa, waxa dhaawacaya sharaftiisa qofnimo, damiirkiisa daxalku fuulayo oo u mirdhaya sidii birta oo kale illaa uu kala garan waayo waxa wanaagsan iyo waxa xun oo uu ka hoos maro xawayaanka.

Waxa uu Tiktok saamayn xun ku yeeshaa xaaladda caafimaad ee nafsiga ah iyo dhammaanba halbeegyada nolosha. Waxaanu u gudbaa xataa qofka aan isticmaalin inta uu ka soo gudbo kan ku mamay ee ku bahaloobay isticmaalkiisa,  sidee iyo qaabkee? Waa su’aal aan kaga jawaabi doono inta aan ku guda jirno mawduucan, kusoo dhawaada mawduuc aan arrintan ku qaadaa dhigi doono.

1- Go’doon Bulsheed

In kasta oo aaladda Tiktok ku wajahan yahay la -macaamilka Arag/dhagaystayaasha, muusig ama cod lagu madadaalanayo haddana taa baddalkeeda qofka adeegsadaa deganaan ama nafisaad kuma dareemo in uu mar walba muuqaal iska soo duubo oo bartan soo dhigo waxaanu dareemaa cidhiidhi nafsi ah iyo go’doon uu ka galo bulshada, waxa uu noqdaa qof go’doonsan oo aan lahayn xidhiidh bulsheed oo wanaagsan. Ma haystaan dad daryeeli kara xidhiidhka bulsho ee ay uga baahan yihiin waxaanay ka door bidaan mar walba in ay ku koobsadaan shaashaddaasi taleefan ee ay iska hor lulayaal ee sida daroogada u soo qabanaysa mar walba, daqiiqadna aanay ka maarmi karin.

  1. Wakhti Iyo Tamar Uu Ku Lumiyo

Adduunka waxa ugu wanaagsan ee qofku haystaa waa wakhtiga oo uu uga faa’iidaysto wixii anfacaya adduun iyo aakhiraba. Dadka ku bahaloobay isticmaalka Tiktok waxa ay hawshiisa ku qaataan saacado dhaadheer, mar ay iska duubayaan muuqaal, mar ay baahinayaan iyo mar ay u diyaar garoobayaan sidii ay isaga duubi lahaayeen. Waxa ay ku bixiyaan waqti iyo lacag badan natiijo la’aan, in kasta oo qaar laga yaabo inay lacag ka helaan, haddana waxaa hubaal ah in inta ugu badan Soomaali aanay waxba ka helin. Qofka aaladdan ku bahalooba ama ku baaba’aa ma yeesho hal-abuur qofnimo, barashada xirfad cusub, ku xidhnaanshaha masaajidka iyo goobaha ruuxda lagu dhiso, xooggiisa iyo wakhtigiisaba waxa uu ku bixiyaa aaladdan.

3- Qaawanaanta Iyo Fusuqa (Anshax Xumada Jinsi)

In kasta oo barnaamijka Tiktok aan marka hore 100% loogu talagelin in sidan loo adeegsado, haddana waxaan aragnaa Gabdho waaweyn, Yaryar iyo dhexdhexaadba leh da’ kasta oo inta ay isa soo qaawiyaan dhammaanba xubnaha jidhkooda goobtan ku soo ban dhigaya. Waxa ay samaynayaan qoob ka ciyaar waxaanay muujinayaan qaarka hore iyo qaarka dambe oo aad is odhanayso waa ayo cidda gabdhihii Soomaaliyeed sidan u baabi’isay. Tu xaas ah oo la qabo illaa mid imika uun qaan-gaadh ah waxa ay noqdeen sidii aalad jinsi oo aan noolayn (Madaamad ama Toys). Baadhitaano lagu sameeyey Tiktok waxa lagu ogaaday in dumarka Soomaaliyeed ka mid yihiin kuwa ugu isticmaalka xun marka xaaladdan la joogo waxaanay muuqaalladoodu ka gudbeen qaarad illaa qaarad iyada oo hilbahooda bannaanka yaalla la daawanayo gaal iyo muslimba. Qodobkan saddexaad waa ka uurku-taallada ku noqday waalid kasta oo Soomaaliyeed oo rajaynaya in uu korsado ubad akhlaaq leh, waa ta uu ka gami’lahay qof kasta oo leh damiir nool oo u damqanaya Mujtamaciisa. Afar su’aalood oo dadka madaxooda ka weynaaday waa iyaga oo is waydiinaya, Maxay inantu sidan isugu soo qaawinaysaa oo ay isku lulaysaa? Maxay ka filaysaa in ay baddal ahaan uga soo noqoto damiir xumadan ay samaynayso, damiir laawayaasha ragga ah ee intaasi ku dhiirri galinaya gabdhuhu in ay sidan yeelaan maxay iyaguna rabaan?. Qodobkani waa kan ugu daran ee Burburka ummadnimo innagu ah. Iyada oo aan lahayn jixinjix iyo xataa dareen nool ayay iyada oo qoslaysa dhammaanba qaarkeeda hore iyo qaarkeeda dambe soo bandhigaysaa.

4- Hoyga Xad-gudubka ama Tacadiga Jinsi

Maaddaama appkani kuu oggolaanayo inaad la wadaagto adduunka oo dhan, waxa uu hoy u yahay fursadaha qof kasta oo damiir-laawe ahi ku kacayo. Aflagaadada, Cayda laf-jabka ah, dhaleecaynta, quudhsiga, iyo guud ahaan xaqiraadda oo dhan waa astaamo lagu yaqaano fal-celiyayaasha muuqaalka qofku soo dhigo faallada ka bixiya. Gabadha isa soo qaawisa ee iyada oo is lulaysa muuqaalkeeda soo dhigtaa waxa ay ugu yaraan la kulmaysaa kumannaan kun oo farriimood oo intaasiba ku jiraan waxaana u sii dheer oo kale in xataa haddii fursad uun laga helo lagula ballamo kadibna loo gaysto tacadiyo jinsi iyo kuwo jidheed. Qodobkani waxa uu leeyahay Tiktok waa hoyga xad-gudubka lagu baabi’iyey kumannaan gabdhood oo siyaalo kala duwan loogu baabi’iyey tacadiyo Jinsi noloshooda.

5- Isha Magac Dilka iyo Ceebaynta:

Iyada oo dhaqanka Soomaalidu marka horeba ahaa mid afku xoogluhu awood leeyahay, umadduna tahay mid hadalka iyo borobagaandaha wax isku gaadhsiisa. Aaladda Tiktok waxa uu noqday isha ama goobta qofka lagu magac dilo, dad badan ayaa muuqaalladooda lagu sameeyey dib u habayn oo loo isticmaalay Ceebayn iyo Magac dil xataa kuwo aan isticmaalinba. Kuwa isticmaalana waxa mar walba si fool xun looga faa’iidaystaa sawirkii ama muuqaalkii foosha xumaa ee uu goobtan soo dhigay taasi oo qofka isticmaalaha ah ku keenta marka dambe in uu isku buuq ku dhaco ama uu waasho.

  1. Is Moodsiin In Uu Qofku Muhiim Yahay Dadkana Soo Jiidanayo

Dadka ugu badan ee Isticmaalka Tiktok ee adduunka oo dhammi ka siman yahay waa in qofka ku mamay ama ku bahaloobay isticmaalka Tiktok ee sida xun u adeegsanayaa uu isu qaato qof la jecel yahay. Qof naxariis badan dadka u haya isna loo hayo. Qof saaxiibtinimo wanaagsan oo dadka soo jiidanaya. Waxa uu is moodayaa qof saamayn leh oo dadka soo jiidanaya waxaanu jarka jahannama ku sii dhacayaa mar kasta oo loo soo qoro ereyo dhiirri galin ah sida “Maashaa Allaah” “Hore U Soco” “qof qiimo badan” IWM, oo ah ereyo munaafaqnimo oo ka imanaya damiir dhintay oo la mid ah kuwii Rasuulkeennii Mudnaa ee Maxamed NNKHA uu ku tilmaamay Dayuus oo ah qof ehelkiisa la jecel xumaan ama aan ka dhiidhiyahayn balse taa baddalkeeda ku faraxsanba. Gabadh Soomaaliyeed oo inta ay isa soo qaawisay xubnaheeda lulaysa ka u soo qoraya “Maashaa Allaah, Qof Sharaf Badan” maxaynu ugu yeedhnaa? Idinka ayaan idiin daayay.

7- Is Dilid:

Isticmaalayaasha TikTok waxay hadda ka gudbeen marinka fiidiyowyada wax is yeelidda ah, waxa ay qaarkood ku hor ciyaaraan si ay muuqaallo saamayn yeesha u sameeyaan goobo waddooyin ah oo halis ah sida marinada tareennada, jidadka gaadiidka dheereeya iyo goob kasta oo halis ah si ay isu muujiyaan oo u kordhiyaan tirada dadka ku xidhan ee Followers-ka ah.

  1. Murugada

Soomaalidu waxa ay kala siman yihiin ama kala mid yihiin shucuubta kale ee adduunka ee isticmaala aaladdan ee la nool xaalad murugo ah. Ma helaan farxad nololeed balse taa baddalkeeda waxa ay ku nool yihiin nolol aan macaan lahayn oo farxaddu ku yar tahay oo murugo leh. Isticmaalayaasha Tiktok, haddii ay ku guul-darraystaan ​​inay helaan rabitaankooda aqbalaadda dadka ku xidhan, waxay taasi ku keentaa walaac, cadaadis iyo niyad-jab, waxaanay ku noolaadaan xayn-daab murugo ah.

9- Is-miidaamin:

Haddii ay hoos u dhacdo sumcadda ama dhammaadka naxdinta leh ee adeegsadaha aaladdan, waxay u horseedi kartaa fikrado xataa gaadhsiisan in uu ku fekero in uu is dilo. Maadaama ay qofka aaalddan ku waasha ay ku yaraato Alle ku xidhnaantu waxa ay ku keentaa in uu sidii gaalada ku fekero in uu is dilo haddii uu dareemi waayo in dadku muhiimad siinayaan.

  1. Lammaanayaal Adhax-Jab Ku Ah Dhaqanka Dad Badanina U Qaataan Kuwo Ku Dayasho Mudan

Aaladda Tiktok waxa si xawli leh ugu soo dabanaya lammaanayaal sheegta in ay is qabaan oo intooda badani ku nool yihiin dalalka qurbaha sida dalalka Bariga Afrika (Kenya & Uganda) iyo dalalka reer Galbeedka. Xataa qaarkood dalka gudihiisa jooga, Waxa ay mar walba soo dhigaan muuqaallo iyaga oo isku maran, samaynayana dhaqanno aan laa’iq ku ahayn Bulsho Soomaaliyeed oo Muslim ah. Dhar qaaqaawan xidhan, farriinta ay gudbinayaanna tahay in ay yihiin lammaane isku faraxsan oo is jecel, in badan oo da’ yar ahi waxa ay ku sirmaan dhalanteedkan beenta ah ee matalaadda ah waxaanay rajeeyaan in ay helaan lammaane sidan u jecel ama u koolkoolinaya dadka hortiisa. Lammaanyaashaasi qaarkood waxa ay muuqaalkooda soo raaciyaan ubadkoodii oo arkaya waalidkood oo anshax xumadan ku dhex jira. Gabadh uur leh oo caloosheeda dadka la wadaagaysa. Mararka qaarkoodna kii qabay uu Caloosha u salaaxayo malaayiin qof  hortooda, Waa wax lala yaabo iyo dhaqan-doorsoon innagu habsaday.

  1. Fursad Raadin (Raadin Lammaane)

Gabadh iyo wiil kasta oo xataa marka horeba aan ku wanaagsanayn in uu dadka soo hor joogsado oo uu la hadlaa waxa uu ku dhiirran yahay in uu qolkiisa hoosta ka soo xidho oo halkan waxa uu doono ku sameeyo. Soomaalidu waxa ay ka mid yihiin dadyow Tiktok ku raadiya soo jiidasho lammaane ay si kasta uun xidhiidh ula yeeshaan. 100% xidhiidhada ku yimaadda aaladdani waxa ay noqdaan kuwo aan guulaysan. Waxa ay ku dambeeyaan Sino, kufsi, daroogo isticmaalid, fusuq iyo dhaqan xumo xad dhaaf ah oo dhan.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews