Dawlada Suudaan Oo Ka Hadashay Afganbi Dhicisoobay Oo Ka Dhacay Dalkeeda!
September 22, 2021 - Written by admin
Khartoum(Berberatoday.com)-Wararka ka imaanaya dalka Suudaan ayaa sheegaya in dowladda dalkaasi ay ka badbaaday barqanimadii maanta isku day lagu doonayay in lagu afgambiyo, kaaso dhicisoobay.

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda dalka Suudaan ayaa sheegay in ciidamo aan tiradooda la sheegin oo ka tirsan ciidanka gaashaaman ay ka dambeeyeen isku daygaas oo ay isku dayeen in ay la wareegaan dhowr xarumood oo dowladda ah, balse ay ku hakadeen waddooyinkii ay ku socdeen.