Halkee Ayay Ku Dambeeyeen Guddiyadii Beelaha Habar Awal Ee Madaxweyne Biixi Sameeyay Si Ay Ugu Hawlgalaan Doorashadiisa Uu Mar Labaad U Tafo-Xaydan Yahay?
September 24, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Jamhuuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa dhawaan isku dayay inuu boodhka ka jafo Waxgaradka iyo Ganacsatada kasoo jeeda Deegaamadiisa si uu mar kale horgale uga dhigto tartanka uu maagan yahay inuu isku soo taago Kursiga Madaxtinimada Dalka, isagoo sameeyay Gudi ka kooban Beelaha HABAR AWAL kuwaasi oo ay ugu war dambaysay habeenkii ay kulmeen.