berberatoday.com
“Xeer No;14 Waa Dhaqan gal, Golaha Wakiilada Waxaa Waajib Dastuuriya Ku Ah, Inay Faafiyaan Xeerkan”Garyaqaan Timo,
September 25, 2021 - Written by admin

Garyaqaan Maxamed Maxamuud Xaashi “Timo” Oo Golaha Wakiilada Ugu Baaqay In Ay Faafin Ku Sameeyan Xeerka No14 Oo Sharciyan Dhaqangal Ah,Madaxwayne Biixina Usoo Jeediyay In Uu Soo Magacaabo Gudida Diwaan Galinta Ururada Siyaasada

Hargeysa(Berberatoday.com)-Gudoomiyihii Hore Ee Ururka Qareenada Somaliland Garyaqaan Maxamed Maxamuud Xaashi (Timo) ayaa golaha wakiilada somaliland ugu baaqay in ay faafiyaan xeerka furista ururada siyaasada oo dhaqan ah sharciyan,

Sidoo kale Garyaqaan Timo ayaa madaxwaynaha jsl ka dalbaday in uu soo magacaabo gudida diwaan galinta ururada siyaasada una soo gudbiyo golaha wakiiladu si ay uga gutaan waajibaadka sharci ee ka saaran.

Dhanka kale garyaqaan timo ayaa sharaxan muhiimada ay shacabka Somaliland uleedahay furista ururada siyaasada iyo sida ay uga niyad jabeen siyaasada xumada sedexda xisbi qaran ee hada wakhtigoodu dhamaadka ku jiro.

Garyaqaan Maxamed Maxamuud xaashi timo ayaa arimahaasi kaga hadlay qoraal uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada  ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan;

Xeerka NO;14 Waa Dhaqan gal Golaha Wakiilada Waxaa Waajib Dastuuri ah ku ah Inay faafiyaan Xeerkan.

Madaxwaynahahana waxa waajib ku ah inuu soo magacaabo golahana u soo gudbiyo guddidii diwaan galinta iyo qabashada tartanka asaxaabta iyo ururada qaranka JSL waana mid xaq ah oo waqtigeedii taagan yahay hadda.

Dadwaynaha reer Somaliland waxay u baahan yihiin Isbadal Siyaasadeed iyo jawi siyaasadeed oo ka duwan kan maanta jira kana wanaagsan dalka iyo dadkana u horseedi kara horumarka ,barwaaqo iyo ictiraaf ba taasina waxay ku imanaysa in la helo xisbiyo cusub oo dadka iyo dalkaba u jidayn kara nidaam ka wanaagsan kan ay maanta xisbiyada jira ku dhaqmaan.

Ummada reer Somaliland waxa dan u ah furitaanka tartanka xisbiyada iyo ururada siyaasada si ay gacantooda iyo garashadooda wanaagsan ugu soo doortan xisbi ama ururka ay u arkaan inuu dantooda iyo danta dalkaba horumarinayo, oo xisbi ama urur kastaaba uu dadka u soo bandhigo waxqabadkiisa iyo barnaamijkiisa siyaasadeed ee uu dalka ku hagayo.

Dalku saddex xisbi oo ay muddo xileedkoodu dhacay uma xidhna ee waxa loo baahan yahay isbadal siyaasadeed oo cusub taasina waxay ku imanaysa dareenka shacabka reer Somaliland oo ka jawaaba siyaasad xumada manta taala dalka.

Waxa loo baahan yahay Xisbiyo aragti iyo mabaad’ii ku mideeya dadka reer Somaliland.

Waxa loo baahan yahay xisbiyo siyaasadeed oo ay Ummada reer Somaliland wada leedahay taladooduna ka muuqato, kana soo dhisma heer tuulo degmo, gobol ilaa heer qaran waana sida ay inagu anfacayaan nidaamka xisbinimadu ee dadka reer Somaliland ay dantooda ku jirto.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews