berberatoday.com
Hooyo Iyo Labba Carruur Ah Oo Lagu Xasuuqay Qarax Ismiidaamin Ah Oo Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho
September 27, 2021 - Written by admin

Muqdisho(Berberatoday.com)-Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in qaraxii maanta ka dhacay isgoyska Ceel-gaabta ay ku dhinteen ugu yaraan 8 qof oo shacab u badan.

Afhayeenka ciidanka Booliska waxa uu sheegay qaraxa inuu ahaa gaadhi waxyaabaha qarxa laga buuxiyay oo uu la socday naftii hallige isku qarxiyay goobta gaadiidka lagu baadhayay.

Wuxuu afhayeenku sheegay inuu khasaaraha dhimashadu intaas kasii badan karo ayna jiraan 9 dhaawac ah iyo dad kale oo ay eheladoodu la carareen markii uu qaraxu dhacay.

Dadka dhintay waxaa ku jiray hooyo sidatay laba ilmood oo yaryar, kuwaas oo ku basbeelay gaadhi yar oo ay la socdeen. Hooyadu waxay u socotay MCH kuyaalla isgoyska Ceelgaabta.

Sidoo kale, dadka qaraxa ku geeriyooday waxaa kamid ah Hibaaq Abuukar oo ka tirsaneyd Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, sida uu xaqiijiyay afhayeenka xukuumada Soomaaliya, Macalimow.

‘Waxa loo socdo ma ahan xarun dowladdeed, ma ahan askari, waxa halkaan ku basbeelay waa hooyo sidatay labo carruur ah, oo u socotay MCHka dhabarkayga ah,” ayuu yiri afhayeenka booliiska.

Kooxda Alshabab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, waxayna sheegeen in ay la beegsadeen saraakiil katirsan dowladda oo ku sugnaa kantaroolka laga galo madaxtooyada Soomaaliya.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews