berberatoday.com
Madaxweyne Biixi Oo Digreeto Aamusan Agaasimeyaal Ku Magacaabay, Qaar Isku Beddelay, Kuwo Kalena Xilalkii Kaga Qaaday
September 27, 2021 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa Shalay Magacaabis, Isku-beddel iyo Xil ka qaadis ku sameeyay qaar ka mid ah Agaasimeyaasha guud ee Wasaaradaha Dawladda.

Ma Jirto Wareegto rasmiya oo Warbaahinta ka soo gaadhay Madaxtooyada, balse Ilo-wareedy kala duwan, ayaa Warbaahinta u sheegay in Madaxweynaha Somaliland uu Isku-shaandhayn ku sameeyay Xubno ka mid ah Agaasimeyaasha guud ee Wasaadaha Qaranka, xilka qaarna uu xilalkii ka qaaday.

Warkan Warbaahinta soo gaadhay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somaliland uu Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha dibedda u Magacaabay Maxamed Cabdillaahi Ducaale, halka Agaasimihii hore ee Wasaaraddaasi Cabdirisaaq Jaamac Naakhuude loo beddelay Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Madaxweynuhu uu Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Axmed Abokor u beddelay isla-markaana u Magacaabay inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka.

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu xilki ka qaaday Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Mubaarik Cabdillaahi Daljir, laakiin aan weli Cid kale loo Magacaabin halkii uu banneeyay.

Ugu dambayn, Madaxweynaha ayaa la sheegay in xubnaha uu isku beddelay, kuwa uu Magacaabay iyo kuwa uu xilka ka qaadayba uu mid walba Warqaddiisa si gaar ah ugu gudbiyey, halkii awal Madaxtooyadu toos ugu soo gudbin jirtay Warbaahinta.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews