Urur Ay Ku Midaysan Yihiin Qareenno Soomaaliyeed Oo Maxkamadda ICC U Gudbiyay Dacwad Ka Dhan Ah Dowladda Soomaaliya
September 27, 2021 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Urur ay ku mideysaniyiin Qareennada Soomaaliyeed ee qurbajoogta ah oo fadhigiisu yahay magaalada Melbourne ee waddanka Australia ayaa dacwad ka dhan ah dowladda Soomaaliya u gudbiyay maxkamada caalamiga ee dambiyada dagaalka ee ICC ee magaalada The Hague.
Ururkan waxay maxkamadda u gudbiyeen afar kiis oo kala ah, kiiska Ikraan Tahliil Faarax, Dadkii lagu laayay Baydhabo sannadkii 2018 xilligii doorashadii madaxweyne Lafta gareen, cuno-qabatayntii duulimaadyada Kismaayo iyo dhallinyaradii Eritrea tababarka loogu qaaday.