berberatoday.com
Barcelona Oo Xaqirtay Dhacdooyinkii Messi La Soo Maray Kooxda
September 29, 2021 - Written by admin

Barcelona(Berberatoday.com)-Kooxda kubadda cagta Barcelona waxay xilli ciyaareedkan ku bilaabatay qaab aan wanaagsanayn oo keentay in miiska lasoo dhigo mustaqbalka tababare Ronald Koeman, laakiin waxa qayb ka mid ah culaysku uu ka degay markii ay Axaddii 3-0 ku garaaceen Levante.Ansu Fati oo usoo laabtay toban bilood kaddib ayaa qalbiga u dejiyey taageereyaasha isaga oo xidhan lambarkii uu banneeyey Lionel Messi ee No.10.

Ronald Koeman iyo Frenkie de Jong labaduba ganaaxyo ayay kaga maqnaayeen kulankan, haddana waxay kooxdu heshay guul weyn oo ay kusoo yaraysay farqiga dhibcaha u dhexeeya Real Madrid oo hoggaanka  haysa.

Barcelona waxay haysataa 12 dhibcood oo ay ka heshay lix kulan oo horyaalka ah oo ay ciyaartay, halka Real Madrid oo toddoba ciyaarood dheeshayna ay haysato 17 dhibcood. Farqigu waa shan dhibcood iyo hal ciyaar oo baaqi u ah Barcelona, haddii ay kulankaas guuleysatana waxay u dhowaan doontaa Real Madrid.

Tirada dhibcaha ay haysato iyo sida ay ku bilaabatay xilli ciyaareedkan, Barcelona aad ayay uga wanaagsan tahay sidii uu fasalkii hore ugu bilowday iyadoo uu waliba u ciyaarayay Lionel Messi.

Lixdii ciyaarood ee ugu horreeyey xilli ciyaareedkii hore ee 2020/21, Barcelona waxay ka  heshay siddeed dhibcood oo kaliya, halka hadda ay lixdii ciyaarood  ee ugu horreeyey ka xoogsadeen 12 dhibcood.

Dhinaca goolasha ayay sheekadu sidan oo kale ka  tahay. Xilli ciyaareedkan, Barcelona waxay dhalisay 11 gool, halka sannadkii hore ay waqtigan oo kale dhaliyeen 10 gool.

Goolasha laga dhaliyey ayaa iyaguna kala duwanaansho abuuraya. Xilli ciyaareedkan waxa Barcelona laga dhaliyey lix gool oo horyaalka LaLiga ah, halka sannad  kahor laga dhaliyey shan gool, taasina waxay kadhigan tahay in difaacu uu hadda ka liito xilli ciyaareedkii hore.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews