berberatoday.com
Nin Soomaali Ah Oo Soddon Sannadood Eryaga Mahadsanid U Raadinayay Gabadh Kalkaaliso Ah
September 30, 2021 - Written by admin

Nairobi(Berberatoday.com)-Kalmadda mahadsanid eray ahaan way koobantahay balse micno ahaan waa kalmad ballaaran oo qofka lagu dhahayana tusinaysa wixii uu qofka ku oranaya u taray halka qofka adeegsanaya uu dareemayo in qofkaasi uu muteystay maadaama wax uun uu taray.

Haddaba Maxamed Jaamac Maxamed oo ah ninka sheekaddaan saldhiga u ah wuxuu Soomaaliya ka soo qaxay markii ay dowladdii Soomaaliya ay dhacday sanadkii 1991-dii.Xiligaa Maxamed wuxuu ka shaqeynayay wasaaraddii beeraha isaga oo ka howlgalayay goallada koofurta, wuxuuna ku jiray wakhtigisii dhalinyaranimada.

Balse nasiib darro wuxuu habeen habeennada ka mid ahaa si lama fillaan ah ugu dhaawacmay fuusto uu ka shubayay shidaal oo sida uu sheegay u ka codsaday nin saaxiibkii ahaa inuu arrintaa ku caawiyo hase yeeshee isaga oo shubaya shidaalkii ayaa qof kula soo dhawaaday Faynuus iftiin ahaan loo isticmaalayay taas oo qabsatay gaaskii sababtayna in Maxamed Jaamaca Maxamed uu dhaawac ka soo gaaro qaybo badan oo jirkiisa ka mid ah gaarahaanna wajahadda hore.

Maadaama xilliga uu dhaawacmayo Maxamed uu dalku ku jiray jahawareer siyaasadeed isla markaana dadkii ay qaxayeen ma aysan jirin meel xaalladiisa caafimaad wax looga qaban karay wuxuuna ka mid noqday dadkii ugu horreeyay ee ka soo qaxay magaalada Kismaayo halkaa oo isaga iyo dad kale ay ka soo raaceen Markab ugu dambeyntii geeyay dalka Kenya.

Isaga oo dhaawac ah safarana uu soo galay ayuu gaaray Kenya kadibna maadama uu dareemayay xanuun wuxuu durba bilaabay inuu raadiyo meel xaalladiisa caafimaad lagu daryeello waxaana xusid mudan in xanuunka ay u dheered gacan marnaan oo ma uusan haysan wax qarash ah oo xaalladiisa caafimaad wax looga qabto.

Magaalada Nairobi markii uu tagay dad ayaa kula taliyay Maxamed inuu aado magaalada Siyellow,ee bartamaha dalka Kenya halkaa oo loogu sheegay inuu ka heli karo Isbitaal xaaladdiisa lagu dabiibo.

“Nairobi ayaan imid markii aan joogay hal toddobaad, ilaa laba asbuuc ayaa dad igula taliyeen in aan aado Siyellow oo la iigu sheega in aan ka heli karo dhaqtar wanaagsan”, ayuu yiri Maxamed.

Markii uu tagay Siyellow, wuxuu galay Isbitaalkii waxaana lagu sameyay qalliin iyo dhayitaan maadaama qaybo ka mid ah jirkiisa uu gubtay.Maxamed wuxuu halkaa kula kulmay haweeney lagu magacaabo Florence Lintari oo Kenyaan ah oo xiligaa kalkaaliso ka ahayd Isbitaalka taas oo u gashay Maxamed abaal iyo naxariis uu hilmaami kari waayay.

Mar Maxamed Jaamac uu sharaxyay qaabka uu ula kulmay Florence wuxuu yiri: “Markii aan tagay Siyellow waxaan halka kula kulmay gabar kalkaaliso ah oo si aad iyo aad ah naxariis fara badan iigu muujisay,naxariistii waxaa ka mid ahaa in ay markiiba garatay in aan ku hadlin luuqadda Sawaaxiliga iyo luuqadda deegaanka waxayna mar walba iga waraysan jirtay xaalladeyda”.

Waxaa Intaas dheeraa in mar kasta oo ay shaqada tagayso Florence Lintari ay Maxamed u keeni jirtay khudaar iyo waxyaabo cuno maadaama uu meesha kaligii ku ahaa isla markaana aaney jirin cid wxa u keenaysa ama soo booqanaysa.

Sidoo kale dadka bukaannada ah ee Isbitaalka jiifa waxaa laga qaadi jiray hebeenkii xiligaas lacag boqol Shiling ah oo kenya ah (100 ) una dhiganta hal doolar ($1) taas oo markaa uusan awoodin Maxamed,balse Florence Lintari ayaa kala hadashay mamaulkii Cisbitaalka una sheegtay in lacagta laga dhaafo Maxamed maadaama uusan awoodin cid caawisaana aaney deegaanka u joogin.

“Cisbitaalku wuxuu qaadan jiray oo dadka bukaanka ah ka qaadan jiray lacag aan aad u badneyn lacagtii waxay ku dadaashay kalkaaliso Florence intay u tagtay ilaa dadkii maamulka hayay in la iga dhaafo sababtoo ah waxaan ahaa nin qaxooti ah dadna aan haysan” ayuu yiri Maxamed Jaamac Maxamed oo sheekadiisa BBC-da la wadaagay.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews