berberatoday.com
Fadeexadda Premier League Laga Diiwaangeliyey Oo Dib U Soo Celisay Xasuustii 1964kii
October 2, 2021 - Written by admin

London(Berberatoday.com)-Markii ugu horreysay tan iyo sannadkii 1964kii, waxa jira shan kooxood oo horyaalka Premier League ah oo lixdii ciyaarood ee ugu horreeyey xilli ciyaareedka aan wax guulo ah arag. Waxa ku jira naadiyo waaweyn oo wax weyn laga filayay, loona saadaalinayay inay meelo wanaagsan ka galaan horyaalka.

Horyaalka Premier League waxa xilli ciyaareedkan laga diiwaangeliyey dhacdooyin layaab leh oo ay rumaysan kari la’ yihiiin taageereyaasha oo ay yar yihiin inta adduunyada ku nool ee usoo joogtay waxyaabo noocan ookale ah. Ma  rumaysan kartaa Southampton, Newcastle, Leeds, Burnley iyo Norwich City ayaa ah kuwa ugu hooseeya horyaalka Premier  League? Ma rumaysan kartaa in kooxahan aanay midkoodna illaa hadda wax guul ah arag?

Waa xaqiiqo iyo rikoodh aan hore loo arag oo ay u dambaysay sannadkii 1964kii oo dadka hadda daawada  ciyaaraha aanay inay 99% adduunka ku noolayn.

Shantan kooxood ayaa illaa hadda raadinaya inay helaan guulahoodii ugu horreeyey, waxaana durba lagu qoray buugga taariikhda madow ee Premier League oo lagu xasuusnaan doono qarniyaal badan.

Wax ka si’ noqdayba, Southampton oo ka mid ah kooxaha meel dhexaadka ah ee awooddoodu fiican tahay, waxay haysataa afar dhibcood oo ay ku heshay afar barbarro ah, waxaanay iska celisay Manchester City iyo Manchester United oo ay mid walba barbarro ku qabatay, laakiin waxa Axaddii garoonkeeda St Mary’s ugu timid oo 1-0 kaga adkaatay Wolves iyadoo uu goolkana ka dhaliyey ciyaartoyga kasoo kacay dhaawaca halista ah ee madaxa kasoo gaadhay ee Raul Jimenez.

Newcastle United ayaa iyaduna haysata saddex dhibcood oo ay ku heshay saddex kulan oo ay barbarraysay, waxaanay isku mid yihiin Leeds United oo xilli ciyaareedkii hore bandhig fiican samaysay isla markaana meel fiican ku dhamaysatay hroyaalka.

Labadan kooxood ayaa kukala jira kaalmaha 17aad iyo 18aad, waxaanay halis ugu jiraan inay u dhacaan heerka labaad, laakiin waxay waxyar dhamaan Burnley oo laba dhibcood oo kaliya ku heshay laba barbarro ah afarna laga badiyey kuna jirta kaalinta 19aad iyo Norwich City oo laga wada badiyey lixdii ciyaarood ee ugu horreeyey.

Maxaa dhacay sannadkii 1964kii?

Xilligaas oo horyaalka loo yaqaanay magaca ah ‘Firist Division’, waxa laga diiwaangeliyey rikoodhka dib loo xasuustay maanta ee ah in shan kooxood oo heerka  koowaad ahi ay awoodi waayeenin wax guulo ah ay keenaan lixdii ciyaarood ee ugu horreeyey.

Xilli ciyaareedkii 1964-65 ayay kooxaha Wolves, Astnon Villa, Birmingham, Burnley iyo Sunderland aanay wax guulo ah helin min lixdii ciyaarood ee ugu horreeyey.

Sannadkaas, kooxaha Wolves iyo Birmingham ayaa u dhaadhacay heerka labaad halka Villa ay ku dhamaysatay kaalinta 16aad oo ay ka badbaaday inay hoos u dhacdo, sidoo kalena Sunderland ayaa 15aad gashay halka Burnley ay 12aad soo cidhiidhsatay.

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews