Kastamka Dekeda Berbera Oo Saaka Aan Wax Badeecada Cashuurin Iyo Sababta
October 2, 2021 - Written by admin
Berbera(Berberatoday.com)-Shaqadii Cashuurta Badeecadaha Iyo Gaadiidka Cusub Ee Dekeda Berbera Kasoo Dagaya Oo Saaka Taagan Gabi Ahaanba Sababta Shaqada joojisay Ayaa Ah Inay Ganacsatadu Diiday Lacag 50.000 SL Shilin Ah Oo Rugta Ganacsigu Ka Qaadi Jirtay Badeecad Kasta Oo Hal Warqad Kuwada Cashuuran.
Lacagtan Ayay Dalada Ganacsatada Soffa Ku Sheegtay Mid Aan Sharaci Ahayn Aan Ku Dhicin Khasnada Wasaarada Maaliyada Oo Dad Gaari Qaataan.
Rugta Ganacsiga Ayaa Markii Ganacsatadu Diiday Lacagtaas Dhinaceeda Ku Xidhay Badeecadaha Baxaya Inay Keenaan Waraaqada Rasmiga Ah Ee Badeecadaha Lagu Soo Iibsado Taas Oo Aan Hore Loo Weydiin Jirin Ganacsatada Inta Badana Aan La Haynba Oo Iibka Badeecadu Gacmo Badan Soo Maro.
Halkan hoose Ka Daawo Muuqaalka Gudida Dalada Ganacsatada Soffa Oo Arintaa Maalintii Khamiista Ka Hadashay.