berberatoday.com
Malawi”Siyaasi Isku Dhex Dilay Gudaha Xarun Baarlamaanka
October 2, 2021 - Written by admin

Malawi(Berberatoday.com)-Guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaanka Malawi ayaa khamiistii isku toogtay gudaha baarlamaanka, halkaas oo uu kaga qeybgalayay kulanka xildhibaannada, sida uu sheegay baarlamaanka dalkaasi.

Clement Chiwaya, oo 50 sanno jir ahaa, ayaa isku dhex dilay xarunta baarlamaanka. Intuusan is dilin ka hor wuxuu ka qeybgalay kulan looga hadlayay faa’iidooyinka gaadiidka ee uu xaqa u leeyahaa, xildhibaan ahaan, markii uu xafiiska ka tagayay sannaddii 2019.

Afhayeenka booliiska, James Kadadzera, ayaa xaqiijiyay dhacdadaas, laakiin wuxuu diiday inuu faahfaahin ka bixiyo illaa uu warbixin buuxda ka helayo baarayaasha kiiska.

Baarlamaanka “wuxuu ka qoomameynayaa inuu shacabka ku wargeliyo in guddoomiye ku-xigeenkii hore uu isku dhex dilay xarunta baarlamaanka,” ayaa lagu yiri bayan ka soo baxay Baarlamaanka Malawi.

Waxaa sidoo kale bayaanka lagu sheegay in arrintaas ay la xidhiidha niyad-jab uu ka qaaday in la fulin waayay waxyaabihii uu dalbanayay.”

Chiwaya wuxuu iibsaday gaarigiisii, dhammaadkii shantii sannadood ee uu xilka hayey ee sannadka 2019, sida ku cad qandaraaska.

Wuxuu isku dayay inuu baarlamaanka bixiyo qarashkii ku baxay shil uu gaadhigiisa galay lix bilood ka dib.

Qoraalka ka soo baxay baarlamaanka ayaa u muuqday mid soo jeedinaya in Chiwaya, oo isticmaalay kursiga curyaamiinta, “si uu ah uu hub ula galo dhismaha baarlamaanka ee aadka loo ilaaliyo.”

“Maadaama uu yahay qof naafo ah, mashiinta lagu baaro dadka markii ay qaaylisay, waxaa loo maleeyay in uu yahay kurisiga uu ku fadhiyay oo bir ka sameysan,” ayay ayaa lagu yiri bayaanka.

Ilo ku sugan baarlamaanka ayaa u sheegay AFP in Chiwaya uu madaxa iskaga toogtay gudaha xafiiska karraaniga baarlamaanka, Fiona Kalembera.

Ka hor inta uusan noqon guddoomiye ku xigeenkii baarlamaanka, wuxuu soo noqday xildhibaan, sannadkii 2004.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews