Waa Kuma Xiddiga Kooxda Arsenal Ee La Barbar-dhigay Ronaldo?
October 2, 2021 - Written by admin
London(Berberatoday.com)-Takehiro Tomiyasu waxa uu si lama filaan ah ku noqday xubin aan la tuuri karin oo ka mid ah shaxda koowaad ee Arsenal kaddib markii uu xagaagii tegay kaga soo biiray kooxda horyaalka Talyaaniga ee Bologna.Xiddiga reer Japan ayay Arsenal kasoo bixisay lacag gaadhaysa £17 milyan oo Gini iyadoo saxeexiisana lagu dhawaaqay saacadihii ugu dambeeyey ee uu ixhdmayay suuqu.

Imaatinkiisa Emirates Stadium, waxa uu sababay inuu qayb ka noqdo soo afjaridda saddex guul-darro oo xidhiidh ahaa oo ay ku beddeleen afar guulood oo isku xiga oo ay saddex horyaalka yihiin, waxaanay libintii shanaad raadinayaan toddobaadkan.Takehiro Tomiyasu kaliya waa 22 jir laakiin waxa uu noqday ciyaartoy khibrad badan helay oo kasoo ciyaaray horyaallada Japan, Belgium iyo Talyaaniga ka hor intii aanu imanin Premier League.