berberatoday.com
Waa Kuma Xiddiga Kooxda Arsenal Ee La Barbar-dhigay Ronaldo?
October 2, 2021 - Written by admin

London(Berberatoday.com)-Takehiro Tomiyasu waxa uu si lama filaan ah ku noqday xubin aan la tuuri karin oo ka mid ah shaxda koowaad ee Arsenal kaddib markii uu xagaagii tegay kaga soo biiray kooxda horyaalka  Talyaaniga ee Bologna.Xiddiga reer Japan ayay Arsenal kasoo bixisay lacag gaadhaysa £17 milyan oo Gini iyadoo saxeexiisana lagu dhawaaqay saacadihii ugu dambeeyey ee uu ixhdmayay suuqu.

Imaatinkiisa Emirates Stadium, waxa uu sababay inuu qayb ka noqdo soo afjaridda saddex guul-darro oo xidhiidh ahaa oo ay ku beddeleen afar guulood oo isku xiga oo ay saddex horyaalka yihiin, waxaanay libintii shanaad raadinayaan toddobaadkan.Takehiro Tomiyasu kaliya waa 22 jir laakiin waxa uu noqday ciyaartoy khibrad badan helay oo kasoo ciyaaray horyaallada Japan, Belgium iyo Talyaaniga ka hor  intii aanu imanin Premier  League.

Kooxda Sint-Truiden ee ka ciyaarta horyaalka waddanka Belgium ayaa January 2018 waxay Tomiyasu kala soo saxeexatay Avispa Fukuoka oo ka dhisan Japan, waxaana sannadkiisii koowaad loo doortay xiddigii ugu fiicnaa Sint-Truiden xilli-ciyaareedkii 2018-19 ka  hor intii aanay Bologna kaga  iibsanin £8 milyan oo Gini.

Sannad iyo badh uu u ciyaarayay koxodaas, waxay u ahayd kuwo uu si weyn uga dhex muuqday, taasina waxay keentay in ay maamulka  kooxdu ku sheegaan sidii ay ku jirno ‘naftii Cristiano Ronaldo’ oo kale.

Andre Pinto oo ahaanjiray agaasimaha kooxda Sint-Truiden ayaa sheegay in Takehiro Tomiyasu ay ku jirto maskaxda Ronaldo oo kale, waxaanu yidhi: “Waxyaabaya uu cajiibka ku yahay Tomi waxa ka mid ah in aanu aqbalin wax kasta  oo aan ahayn guul.

“Takehiro Tomiyasu waxba kuma helin nasiib, balse waa ciyaartoy si adag u shaqeeya. Waad helaysaa ciyaartoy badan oo wax walba huraya, laakiin way yar yihiin ciyaartooyo ay ku jirto maskaxda Cristiano Ronaldo oo kale ee dhinaca ka go’naanshaha, shaqada adag iyo cunista cuntooyinka caafimaadka sare u qaada.

“Waa nooc ciyaartoy oo aan marnaba qancin. Mar wlaba wuxuu sii wadayaa shaqada iyo inuu horumariyo xirfaddiisa.”

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews