Beesha Caalamka Oo Mar kale Ugu Baaqday Farmaajo Iyo Rooble in ay ka Heshiiyaan Khilaafka Dhexdooda
October 3, 2021 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Beesha caalamka ayaa mar kale ugu baaqday Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble in ay ka heshiiyaan khilaafka dhexdooda ayna sii wadaan dadaallada dhexdhexaadinta ah ee lagu xallinayo khilaafaadka.
War-saxaafadeed kasoo baxay beesha caalamka, waxaa welwel looga muujiyay hubaal la’aanta siyaasadeed ee socota, taas oo sii kordhisay halista dib-u-dhac kale oo ku yimaada geeddi-socodka doorashada Soomaaliya.