Cawil Maxamud Faarax Agaasimihii Guud Ee Ugu Mudada Dheeraa Wasaarada Qorsheynta Somaliland Oo Geeriyooday
October 3, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Cawil Maxamuud Faarax wuxuu ahaa agaasimihii guud ee lagu Aasaasay wasaaradda qorsheynta Jamhuuriyada Somaliland , isagoo xilkaasi hayay muddo 17 sano ahayd {1993 ilaa 2010} . wuxuu ahaa aqoonyahan ku soo takhasusay cilmiga tirakoobka iyo qorsheynta oo dowladii hore ee Somaliya-na caan ka ahaa wasaaraddii qorsheynta oo uu xilal sare ka soo qabtay . ilaahay jannadii fardowsa ha ka waraabiyo innagana samir iyo iimaan ha inaga siiyo.
Marxuum Cawil Maxamud Faarax waxa maanta duhurkii lagu aasay xabaalaha HALLEEYA ee bariga magaaladan Hargeysa waxaana kasoo qeyb galay aaskiisa dadweyne aad utira badan oo isugu jira siyasiyiin shaqaale dawladeed, odayaal dhaqameed iyo dad kaloo badan Marxuum alle Ha Janeeyo qabriga ha unuuro janatul fardawsana ha Geeyo samir iyo iimaana haka siiyo qoyskiisii ,ehelkiisii, qaraabadii, shacabka Somaliland tacsi gaara waxaanu udiraynaa xaaskiisii Safiya Xaaji Saciid Cabdi , iyo caruurta aan ilaahay uga baryayno inuu cawil khayr qaba ugu bedelo booskii ka baxay Aamin aamin
Berberatoday.com