Gudiga Qabanqaabada Shirweynaha Xisbiga Waddani Shaaciyay Shuruudaha Ku Xidhan Musharixiinta Hogaanka Xisbiga
October 4, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Guddida qaban qaabada Shirweynaha Xisbiga WADDANI Mudane Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil Yare) ayaa shaaciyay in la qaban doono araajida musharraxiinta u taaggan jagooyinka Hoggaanka Xisbiga ee Guddoomiyaha, guddoomiye ku xigeennada, xoghayaha guud iyo xoghaye ku xigeenka guud muddo 10 cisho ah oo ka bilaamata 06-10-2021 ilaa 16-10-2021.
Waxa uu musharraxiinta hoggaanka Xisbiga isu taagaya la socodsiiyay in ay shuruudaha xeerka ka qaataan guddida qaban qaabada ee fadhigoodu yahay Xarunta Dhexe ee Xisbiga.
Waxa kale oo uu laamaha dibadda, gobollada iyo degmooyinka ku booriyay in ay wakhtiga loo qabtay ku soo gudbiyaan ergooyinka ka qayb galaya shirweynaha Xisbiga WADDANI ee qabsoomaya 30-31 October 2021.
Berberatoday.com