Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi Oo Tacsi Ka Diray Geerida Wasiirkii Hore Ee Waxbarashada Somaliland Marxuum Xasan Gadhwayne \
October 4, 2021 - Written by admin
TACSI MADAXWEYNE: 03/10/2021
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, siyaasiyiinta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xasan Xaaji Maxamuud Warsame (Xasan Gadhweyne) oo ku geeriyooday galabta oo ay taariikhdu tahay 03/10/2021, Caasimada Somaliland ee Hargeysa.