berberatoday.com
Maxaad Ka Taqaanna Diyaarada Ciidan Ee Ugu Weyn Caalamka Ee Uu Mareykaku Ku Dhaarto?
October 4, 2021 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Ciidanka Cirka ee Mareykanka, ee loo yaqaanno (USAF), waxaa uu ka mid yahay qaybaha ugu waaweyn ee ciidamada qalabka sida ee Mareykanka, mas’uuliyadda koowaad ee ciidankan ayaa ah dagaalka hawada, difaaca hawada Maraykanka , iyo horumarinta cilmi baarista milatariga dalka Maraykanka oo dhaqaale faro badan uu ku baxo.

Ciidanka Cirka ayaa sidoo kale bixiya adeegyada hawada iyo taakuleynta laamaha kale ee milatariga Maraykanka iyagoo sidoo kale kaalmo iyo tababarro u fidiya waddamada ay xulafada yihiin.

Waxaad aad loo arkay markii uu dhawaan Mareykanka u isticmaalay diyaardaasi inuu ku daadgureeya muwaadiniintiisa iyo dadkii ka baxsanayay Afqaanistaan aahwaan. Diyaaradda nooca C-17 ee Globemaster ayaa ah diyaaradda ay ciidamada Mareykanka u adeegsadaan gaadiidka ciidamada iyo qalabka. Diyaaradda C-17 ayaa awood u leh soo daabulidda degdegga ah ee ciidamada iyo dhammaan noocyada xamuulka iyadoo geyneysa saldhigyada waaweeyn amabasi toos ah u geyenysa meelaha ay fadhiisimaha ka dhiganayaan ciidamada.

Diyaaradda ayaa fulin karta howlaha khiddadaha iyo xamuulka oo ay kor ka soo daadiso iyadoo sidoo kale qaadi karta eeyaha iyo bukaan socodka marka loo baahdo daad-gureynta bukaannada.

Firfircoonida iyo howsha diyaaradda C-17 ayaa gacan ka geysanaya horumarinta awoodda hannaanka daabulidda diyaaradeed si loo fuliyo baahiyaha Mareykanka ee diyaarado adduunka wax uga soo daabula.

Diyaaraddan oo lagu magacaabo C-17 ayaa ah diyaarada ugu weyn ee ciidamada cirka ee Maraykanka. Waxay leedahay afar matoor oo waaweyn waxayn ku duushaa xawaare aad u sarreeya oo gaaraya 450 kiloomiitar sacaaddiiba.

Diyaaradda C-17 waxay samaysay duullimaadkeedii ugu horreeyay bishii Sebtember 15, 1991, iyadoo noocii ugu horreeyay ee diyaaraddan ee la soo saaray la geeyay Saldhigga Ciidanka Cirka ee Charleston, oo hadda loo bixiyay Joint Base Charleston, South Carolina, bishii June 14, 1993.

Bishii Janaayo ee sanadkii 1995-kii, ciidanka cirka ayaa ku dhawaaqay guuto gaar ah oo loo yaqaanno 17th Squadron kuwaas oo maamulaya sidoo kalena dib u habayn ku sameynaya diyaaradda C-17.

Ciidanka cirka ee Maraykanka ayaa markii hore ku tala jiray inuu iibsado 120 diyaaradood ee nooca xamuulka qaada ee C-17. Hase ahaatee markii militariga ay arkeen guulaha waaweyn ee ay diyaaraddan soo hoyisay awgeed isla markaasina, si loo fuliyo hawlgallo dhaqdhaqaaqa kala duwan, ee ciidanka ayaa ugu dambeyn militariga waxay go’aansadeen inay sameystaan diyaarado dheeraad ah, taas oo keentay in tirada guud ee diyaaradaha xamuulka qaada ee loo yaqaanno C-17 ay maanta tahay 223 diyaaradood.

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews