Mid Kamida Kufaartii Nebi Muxamed CSW Aflagaadeeyay Oo Nolosha Ku Gubtay
October 4, 2021 - Written by admin
Gotenburg(Berberatoday.com)-Waxaa shalay gelinkii danbe shil gaadhi ku dhintay Lars Vilks oo ahaa farshaxaniste Iswiidhisa oo hore u sameeyay sawir gacmeedyo uu ku aflagaadeyay nebi Maxamed (NNKH).
Shilkan oo ka dhacay nawaaxiga magaalada Markaryd ee dhacda koonfurta Sweden waxaa sidoo kale ku dhintay laba ka tirsan Booliska Sweden oo uu ilaalo u ahaa Lars Vilks.
sanadkii 2007kii ayay ahayd markii uu sawirgacmeedyada ku aflagaadeyay nebi Maxamed (NNKH), mudo 13sanadood ah waxa uu ku hoos noolaa ilaalo booliis gaar ah oo loo sameeyay kuwaasi oo aanu laa´antood socon jirin.
Hogaanka ciidanka booliska Sweden oo goor dhaweyd ka hadlay dhacdadan ayaa sheegay inuu ahaa shil gaadhi oo ay isku dhaceen gaadhiga uu saarnaa farashaxanistahan iyo gaadhi kale oo xamuul ah oo jidkaasi ku safrayay waxaanay sheegeen inay sii wadi doonaan baadhitaanka la xidhiidha dhacdadan.
Waxaa xusid mudan in Sweden iyo dalal badan oo dunida muslimka ah uu xidhiidhkoodu xumaaday ka dib markii farshaxanistahani uu daabacay xiligaasi sawir gacmeedkaas taasi oo keentay in raysal wasaarihii hore ee Fredrik Reinfeldt uu kulan isugu yeedhay safiirada dalalka musliimta ahaa ee joogay Sweden si ay u dajiyaan xiisada ka dhalatay arintaasi.