Baraha Facebook, Whats App Iyo Instagram Oo Xalay Hawada Ka Wada Baxay Iyo Sababta
October 5, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Facebook, iyo baraha kale ee shirkadaas ay leedahay ee Instagram, WhatsApp iyo Messenger ayaa hawada ka wada maqan iyada oo balaayiin qof oo adeegsan jiray ay dareemayaan saameynteeda.
Barahan ayaa waxaa ku yimid cilad billaabatay muddo hadda ku dhow laba saacadood kahor, welina waa ay socotaa, waxayna saameysay caalamka oo dhan.
