berberatoday.com
“Intii Aan Ku Jiray Ciidanka Mareykanka Ma Arkin Wax La Mid Ah Dagaalkii Aan Ku Arkay Muqdisho”
October 6, 2021 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-18 askari oo ka tirsan ciidamadii Mareykanka ee Soomaaliya ka soo dagaallamay ayaa loo kordhiyay darajada ciidannimo, taas oo u ah abaalmarin lagu sharfay.

Billadaha dallacsiinta askarta oo noocoodu yahay xiddigaha Qalinka ah ayaa la siiyay askartan oo 28 sano ka hor ka tirsanaa militariga Mareykanka qaybta saddexaad, guutada 75-aad, kuwaasoo hore u heystay billadaha xiddigaha maarta ah.
Ragga howlgabka ah ee billadaha la siiyay ayaa kala ah: Alan Barton, John C. Belman, Kenneth P. Boorn, James M. Cavarco, John M. Collett, Michael Collins, James C. Joyce, Brad M. Paulsen, Larry D. Perino, Robert R. Phipps II, Dominick M. Pilla, Randall J. Ramaglia Jr, John D. Stanfield, Michael Steele, Richard Storus, Jeffrey D. Struecker, Joseph F. Thomas iyo Sean T. Watson.
Dhammaan xubnaha la guddoonsiiyay abaalmarinta ayaa ahaa ciidankii ka baxay Soomaaliya ka dib dagaalkii 18-ka askeri looga dilay ee 1993, kaas oo loo bixiyay Black Hawk Down (waa mid ka mid ah magaca diyaaradihii la soo riday xilligaas).
Taliska militariga ayaa marka uu abaalmarinnadan bixinayay sheegay in askartaas hadda rug caddaayada ah ay ku muteysteen shaqadii ay sameeyeen maalintii 3-da bisha October iyo maalintii xigtay ee 4-ta October, 1993-kii.
28 sano ayaa ka soo wareegtay markii ciidamadii Mareykanka ee Soomaaliya ku sugnaa lagu dilay howlgalka oo ay sidoo kale waxyeello isugu jirta dhimasho iyo dhaawac kasoo gaartay ciidamadii Qaramada Midoobay ee loo diray Soomaaliya.
Xalaaddii ban’aadanimo ee ka dhalatay dagaaladii sokeeye daba socday burburkii dowladdii dhexe ayaa keentay in dalal badan oo caalamka ah ay ku dhawaaqaan hawgal loogu magac daray hawgalka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay taas oo keentay in ciidammada hawalka Qaramad Midioobay loo diro Soomaaliya.
Askari ka tirsanaa guutada 75-aad ee ciidamadii dallaayadaha ku boodayay ee Soomaaliya loo diray, oo lagu magacaabo Jeff Struecker – haddana ku jira liiska ciidanka abaal marinta helay – ayaa sheegay in uusan garan karin wax lala barbardhigo dhacdadii Soomaaliya inta uu ku jiray xirfaddiisa askarnimada.
Berberatoday.com
COMMENTS
|