berberatoday.com
Puntland Oo Mar Kale Dil Ku Xukuntay Siddeed Nin Oo Ka Tirsanaa Ururka Al-shabaab
October 6, 2021 - Written by admin

Garoowe(Berberatoday.com)-Maxkamadda sare ee ciiddamada qalabka sida ee Puntland ayaa xukun dil ah ku riday siddeed nin oo la sheegay in ay katirsan yihiin Alshabaab, kuwaas oo horay maxkamadda darajada koowaad ay saddex bil ka hor xukun dil ah ugu riday.

Siddeedaan nin ee lagu xukumay dilka, ayay Puntland  sheegtay in ay ahaayeen shabakad dilalka qarshaysan iyo qaraxyada ka fulin jiray koonfurta magaalada Gaalkacyo.
Maxkamadda sare waxay sheegtay in ay ku qanacday cadeymaha xeer ilaalinta iyo qiraalka laga hayo xukumanayaasha, kuwaas oo ay sheegtay in ay ku cad yihiin dambiyada ay galeen dhammaantood.
Puntland ayaa bishii june ee lasoo dhaafay xukun dil ah ku fulisay 18 nin oo katirsanaa Alshabaab, kuwaas oo tan iyo sannadkii 2008 dilalka iyo qaraxyada ka fulin jiray Gaalkacyo.

Xukumayaasha ayaa waxaa lagu kala magacaabaa:-
1: Xasan Isaaq Maxamed (Maax)
2: Axmed Cali Hilowle   ( Istakiin)
3: Sidiiq Nuur Faarax Muudeey   (Gaagaale)
4: Maxamed Sharafle Maxamuud Culusow (Amaxey)
5: Maxamed Cabdullaahi Xuseen Cabdi (Jubba)

6: Cabdulqaadir Cabdulle Xasan (Muruq)
7: Liibaan Ciise Wehliye (Madax kariye)
 8: Nuur Xuseen Cabdulqaadir Cismaan (Manuur)

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews