Warar Dheeraad Oo Kasoo Baxaya Afar Qof Oo Maanta Dablay Hubaysani Ku Dileen Magaalada Muqdisho
October 7, 2021 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kooxo hubeysan oo maanta afar ruux ku dilay Isgoyska Xaawo-taako degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.
Dad goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in raga dilka geystay ay ku hubeysnaayeen Bastoolado ay afarta ruux ku dileen goob maqaaxi ah oo ay fadhiyeen.
Afarta ruux ee la dilay laba ka mid ah waxay ahayeen dad shacab ah halka labada kalana la sheegay iney ahaayeen askar ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya oo la sheegay ineysan hubeysnen xiliga la dilayay, waxaana goobta isaga baxsaday kooxdii dilka geysatay.