berberatoday.com
Madaxweyne Muuse Biixi Oo Khilaafay Amar Ka Soo Baxay Mid Ka Mid Ah Wasaaradihiisa
October 8, 2021 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Fannanada Kiin Jaamac yare oo Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Somaliland ay ka joojisay bandhig faneed ay Hargaysa caawa ku qaban lahayd, ayaa sheegtay in bandhigeedi uu caawa dhacayo kadib markii ay ogolaansho ka heshay xukuumada.Kiin iyo  DJ  Subeer oo siwada jira warbaahinta ugula wada hadlay Hargaysa, ayaa sheegay in bandhigoodu uu sidii loo balan sanaa caawa qabsoomi doono.

DJ Subeer ayaa ogolaanshaha bandhiga uga mahadceliyay madaxweynaha Somaliland iyo xukuumadiisa.

“Waxan halkan ka caddaynayaa in bandhig-faneedkii walashay Kiin Jaamac yare, uu caawa dhacayo sidii awalba ay ahayd, dadka tigidhada qaatay, dadka suudhadhka gashaday waa inoo iyo caawa iyo Crown Plaza hotel, aad iyo aadna waxaanu ugu mahadcelinaynaa madaxweyna iyo xukuumada” ayuu yidhi DJ Subeer.

Kiin ayaa iyaduna dhankeeda u mahadcelisay madaxweynaha iyo xukuumadiisa, waxayna sheegtay in bandhigeedu uu caawa qabsoomayo”Aad iyo aad baan idiin salaamayaa dhamaantiin, waxan idiin sheegaya sidii aan ku balan sanayn in showgeenii soconayo, waxan u mahadcelinayaa madaxweynaha iyo wasiiradiisa” ayay tidhi Kiin Jaamac.

Qoraal ka soo baxay wasaarada diinta iyo awqaafta ayaa hore loogu joojiyay bandhig-faneedka.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews