Golaha Guurtida Oo Soo Jeediyey In Tallaabo Sharciga Waafaqsan Laga Qaado Dallada SONSAF
October 9, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoiday.com)-Golaha Guurtida Oo Soo Jeediyey In Tallaabo Sharciga Waafaqsan Laga Qaado Dallada SONSAF
Mudaneyaal ka tirsan golaha guurtida, ayaa soo jeediyey in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado Dallada SONSAF, oo ay ku eedeeyeen in ay faraha kula jiro arrimo siyaasaddeed oo aan shaqadeeda ahayn.
Xildhibaannada oo ka hadlay fadhigii maanta ee Golahaasi, ayaa xeer ilaalinta u soo jeediyey in ay shaqadooda ka qabsadaan SONSAF.
Berberatoday.com