“Wiil Dhalinyaro Ah Ayuu Wasiir Ama Agaasime Guud Umagacaabayaa, Wax Yar Markuu Joogo Uu Eryo Miyaanu Mustaqbalkii Wiilka Baabi’In Ilayn…”Cali Guray.
October 9, 2021 - Written by admin
Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo kamid ah siyaasiyiinta reer Somaliland ee badi falanqeeya xaaladaha siyaasadeed ee somaliland ka taagan iyo kuwo geeska africa ayaa ka hadlay magacaabisaha iyo xilka qaadista madaxwayne biixi ku sameeyo masuuliyiinta dhalinyarada ah ee uu xilalka umagaacabay oo uu qaarkood xilka kaga qaado mudo gaaban iyadoo aanay jirin wax uu ku sobobeeyo xilka qaadistooda kuwaasi oo uu ku tilmaamay in ay dhaawac ku yihiin dhalinyarada islamarkaana aad moodo talaabooyinka uu madaxwayne biixi qaadayo kuwo u eeg barnaamikii maaweelada ee ka bixi jiray Idaacadii Radio Muqdisho.