Masuul Madaxweyne Muuse Biixi Xil Umagacaabay Oo Iska Diiday Iyo Sababta
October 10, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Siyaasi Aadan Ciise Maxamed oo Madaxwaynaha Somaliland u magacaabay Agaasimaha Wasaaradda Deegaanka Somaliland, ayaa ka cudur daartay inuu qabto xilkaasi, kadib markii uu saluug ka muujiyey metelaada deegaankiisa iyo xilka loo magacaabay in aanay isu qalmin.
Aadan Ciise ayey isku deegaan kasoo jeedaan Wasiirkii hore ee Macdanta Somaliland Jaamac Maxamuud Cigaal oo uu dhawaan xilka ka qaaday Madaxwaynaha Somaliland.
Masuulkan ka cudur daartay, xilka loo magacaabay, ayaa ka mid ahaa Guddidii ololaha doorashadii madaxtooyada ee 2017-kii ee Madaxweyne Muuse Biixi ku soo baxay
Berberatoday.com