Ururka Suxufiyiinta Ee Solja Oo Ku Baaqay In Sharciga La Horkeeno Sarkaal Taraafik Ah Oo Dhaawacyo Ugeystay Gabadh Weriye Ah
October 13, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Ururka Suxufinta Somaliland Ee Solja, ayaa ka hadlay Gabadh Weriye ah oo uu jidhdil u geystay Sarkaal tirsan Ciidamada Nabadgalyada Waddooyinka ee Booliska Somaliland.

Nimciima Cabdiraxmaan Yuusuf oo ka hawlgasha Somnews xaruntiisa Hargeysa, ayuu nabarro labada gacmood ka gaadhsiiyey Sarkaalka Taraafikada ka tirsani mar ay shalay wax ka duubaysay Gaadhi ku dhacay gudaha magaaladaHargeysa.