“Waa Markoodii, Waa Markayagii, Gacanta Hore Iyo Gacanta Danbe” Sidii Oo Kursigu Yahay Wan Sayladda Xoolaha Jooga Oo Dallaaliin Gacmaha Go’a Hoostiisa Isku Dhaafsadeen”Garyaqaan Guuleed Dafac
October 14, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-“Waa markoodii, waa markayagii, gacanta hore iyo gacanta danbe” sidii oo kursigu yahay wan sayladda xoolaha jooga oo dallaaliin gacmaha go’a hoostiisa isku dhaafsadeen, saw dalkii ba reero kuma baayactamayaan.
Halkii aynu ka odhan lahayn xisbiyo siyasaadeed oo aynu u arki lahayn ururo ay ku wada jiraan dad ay aragti isku keentay, saw hada ma haboona inaynu u bixinno xisbiyadda qabiiladda?