Madaxweyne Mustafe Cagjar Oo Markale Loo Dhaariyey Madaxweynenimadda Iyo Xukuumad Cusub Oo Uu Soo Dhisay
October 19, 2021 - Written by admin
Adis-Ababa(Berberatoday.com)-Madaxwayne Mustafe cagjar ayaa maanta soo dhisay wasiirada cusub ee kamid noqonaya xukuumadda maanta la dhisay ee Dowlad Degaanka Soomaalida.

Haddaba wasiirada cusub ee maanta la magacaabay ayaa waxaa ku jira xubno horey uga mid ahaa Ururka ONLF, kuwaas oo xilal kala duwan kasoo maray ururka.
Xubnahaas ayaa waxaa kamid ah Axmed Yaasiin oo aad looga dhex yaqaano ONLF, xilal kala duwana kasoo maray ONLF, Mustafe cagjar ayaa maanta u magacaabay Wasiirka Khataraha Masiibooyinka.
Axmed Yaasiin ayaa intii dambe kamid ahaa garabkii ka goostay ONLF, isla markaana isu aqoonsaday inay iyagu yihiin ONLFta saxda ah.
Madaxwayne Mustafe cagjar ayaa horey u ballan qaaday inuu xukuumaddiisa cusub kusoo darayo xubno kamid ah mucaaradka, balse xubnahan wax ka baxsan oo mucaarad ah oo xukuumadda cusub ka dhex muuqda ma jirto.