Soomaaliya Oo Ka Hadashay Maraakiib Xaalufin Ku Haya Baddeeda
October 20, 2021 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Dowladda Soomaaliya ayaa digniin kasoo saartay kalluumaysiga sharci darrada ah ee maraakiibta shisheeye ka wadaan badda Soomaaliya.
Xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliya, Dr, Saleymaan Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in dowladda ay gacanta kusoo dhigidoonto maraakiibta gurranaysa kheyraadka ku jira badda Soomaaliya.
Xeer ilaaliyaha wuxuu sheegay in dowladdu xoojinayso dadaallada lagula dagaalamayo kalluumaysiga sharci darrada ah oo uu ku tilmaamay masiibo qaran oo u baahan wax ka qabasho.