Dhakhaatiir Ku Guuleystay Qaliin Ay Kelli Xayawaan Ugu Talaaleen Nin
October 23, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dhakhaatiirta qalliinka Maraykanka ayaa sheegay inay ku guulaysteen in kelli doofaar ay ku tallaaleen qof bukaan ah ayagoo sheegay in ay rajaynayaan in ugu dambayn arrintaasi ay xallin doonto gabaabsiga xubnaha jirka ee dadku ay ku deeqaan.

Qofka kellida loo geliyey ayaa ahaa mid maskaxdiisu dhimatay, taas oo ka dhigan in markii hore ay xaaladdiisu liidatay oo aan rajo laga qabin in uu bogsado.Kellida waxaa laga keenay doofaar taas oo hidde ahaan la baddalay si looga hortago in jirku uu u aqoonsado in ay tahay mid (qalaad) oo markaas uu diido.