Dowladda Xamar Oo Bayaan Kasoo Saartay Mowqifkeeda Wax Ka Beddelka Howlgalka AMISOM
October 23, 2021 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Dowladda Soomaaliya ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay qorshayasha uu wado midowga Afrika oo dhawaan taageeray hindise lagu doonayo in wax ka beddel lagu sameeyo howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee AMISOM.
War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay si cad uga soo horjeedo hawlgal oo aan ahayn AMISOM in Soomaaliya laga dhaqan galiyo .