20 Ruux Oo Ku Geeriyooday Dagaal Ciidamada Dawlada Xamar Iyo Kuwa Ehelu Sun Kudhexmaray Magaalada Guricel
October 24, 2021 - Written by admin
Guriceel(Berberatoday.com)-Ugu yaraan 20 qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen 40 ka badanna ay ku dhaawacmeen dagaal magaalda Guriceel saakay ka qarxay oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Galmudug oo isku dhinac ah iyo ciidamada Ururka Ahlu Sunna Waljameeca.
Saraakiil ay VOA la hadashay oo khasaaraha dagaalka aan ka soo xigannay ayaa sheegay in dhimashadu ay u badan tahay askarta dhinacyaddii dagaalamay.