berberatoday.com
Liverpool Oo Guuldarro Xanuun Badan Dhabarka Usaarisay Mancheste United Ay Ku Booqatay Garoonkeeda Old Trafford Iyo Maxamed Salax Oo Sadexlay Kadhaliyay
October 25, 2021 - Written by admin

Mancheste(Berberatoday.com)-Liverpool ayaa guuldarro xanuun badan dhabarka u saarisay kooxda Manchester United oo ay ku booqatay garoonka Old Trafford, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-5, Kulankii ugu xiisaha badan toddobaadkan horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-4 ay ku hoggaamineysay kooxda martida ahayd ee Liverpool.

Daqiiqadii daqiiqadii 8-aad kooxda Liverpool ayaa hoggaanka u qabatay kaddib markii uu 0-1 ka dhigay Naby Keïta, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Mohamed Salah.

14 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Diogo Jota oo caawin ka helay laacibka reer England ee Alexander-Arnold ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 0-2 ay ku horkaceysay Liverpool.

Mohamed Salah ayaa daqiiqadii 38-aad wuxuu ciyaarta ka dhigay 0-3 ay ku hoggaamineysay kooxda Liverpool, kaddib markii ay caawin kaga timid Naby Keïta.

45 + 5 Mohamed Salah oo markan caawin ka helay saaxiibkiis Diogo Jota ayaa wuxuu dheesha ka dhigay 0-4 ay ku hoggaamineysay kooxda Liverpool.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 50-aad Mohamed Salah ayaa dhaliyay goolkiisii saddexaad ee ciyaarta ahna goolkii shanaad ee kooxda Liverpool kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Henderson.

Manchester United oo kulankan aad looga awood badnaa ayaa daqiiqadii 60-aad waxay noqotay 10 xiddig kaddib markii uu kaarka roosaha qaatay laacibkooda khadka dhexe ee Paul Pogba.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 0-5 ay kaga soo adkaatay Liverpool kooxda Manchester United oo ay ku booqatay garoonka Old Trafford, Reds ayaa kaddib guushan weyn ay gaartay waxay kala baxday booska labaad ee kala sarreynta Premier League naadiga Manchester City.

 

 

 

 

Berberatoday.com

 

 

 

 

 

 

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews